SAWIRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullan gaar ah la qaatay 5ta madaxweyne ee maamul goboleed

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kullan gaar ah la yeeshay 5ta madaxweyne ee maamul goboleed.

Kullankaasi oo ahaa mid xog-wareysi iyo wadatashi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda dhexe Soomaaliya oo muddooyinkii dambe xumaa.

Dowladii uu hoggaaminayay Maxamed C/laahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyadda dalka ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf baahsan, taasi oo keentay in xilligii doorashada loogu tallo galay ay dib uga dhacdo.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda maamul goboleedyadda ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan dadaal intaasi ka badan.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo kala duman uu la yeelanayo mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka.