Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay guushii doorashada ee Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal dheer ka jeediyay munaasabadda 31-aad ee lagu xusayay 18-ka MAY oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii dhawaan lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Biixi ayaa marka hore u hambalyeeyay Xasan Sheekh Maxamuud guushii uu ka gaaray doorashada sida nabadda ah ku dhacday, isagoona sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo walaalo ah islamarkaana kala gaar ah, ayna wanaagsan tahay in lagu ixtiraamo go’aankeeda.

“Aad baan usoo dhaweyneynaa doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee sida nabadda ah ku dhacday iyo labada madaxweyne ee gacanta isu dhiibay , Illaahay ha idiin barakeeyo, colaadda Allaha idinka saaro, inagane inoo soo duceeyo oo aan kala danaysano, waxaynu nahay labo dal oo kala gaar ah” Sidaasi waxaa yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh Maxamuud inuu ixtiraamo qaddiyada iyo madax-bannaanida Somaliland, isagoona dhinaca kale sheegay in Somaliland ay tashatay, islamarkaana aanay marnaba suurto-galayn in ereyga MIDOW uu meesha soo galo.

Munaasabadda 18-ka MAY ayaa ah maalin deegaanada Somaliland laga xuso sanad guuradii kasoo wareegatay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmayaa xilli adduun weynaha ay hambalyo iyo boggaadin kala duman usoo dirayaan madaxweyanaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.