SAWIRO:- Rooble iyo Axmed Madoobe oo maanta kullan gaar ah ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha KMG ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulankaasi ayaa sida la sheegay looga hadlay gaba-gabada howshii doorashada dalka ee sida nabadda ahayd kusoo idlaatay, islamarkaana lagu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahad-celiyay ra’iisul wasaare Rooble sida hagar la’aanta leh iyo dhabar adeygii uu ku muujiyay howsha doorashadaasi suurto-gelisay in lagu doorto madaxweyne cusub.

Axmed Madoobe oo muddooyinkaan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa lagu xasuustaa inuu si weyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe oo la filayo inuu dhawaan dib ugu laabto magaalada Kismaayo ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb-gashay doorashadii madaxweyne ee ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Xasan Sheekh Maxamuud.