Howlgal aan caadi ahayn oo lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo ka dhacay Muqdisho

Ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay howlgal aad u culus oo amniga lagu sugayo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Warta-Nabada (EX-Wardhiigley) ee magaalada Muqdisho.

Howgalkaasi oo lagu soo qabtay dhalinyaro aad u badan ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha ciidanka booliska degmada Warta-Nabadda C/laahi Xasan Cali (Madoobe)

Taliye C/laahi Xasan Cali (Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howgalkaasi uu ahaa mid lagu sugayo amniga degmada Warta-Nabadda, islamarkaana lagu soo qabanayo dhalinyaro la sheegay inay fal amni darro ah ka wadeen xaafadaha ku yaalla degmadaas.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyaradaasi lasoo qabtay uu haatan baaritaano ku socdo, islamarkaana laamaha amniga ay su’aalo weydiinayaan.

Ugu dambeyntii, taliye C/laahi Xasan Cali (Madoobe) ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxo burcad ah oo la sheegay inay dadka taleefoonada ka dhacaan, isagoona xaqiijiyay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo joogto ah.