Sarkaal lagu dilay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

Kooxo hubeysan ayaa maanta degmada Dharkenleey ee magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Aadan Cismaan.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegayaa inuu ahaa labo xidigle ka tirsan dowladda, waxaana lagu dilay xilli uu sugnaa meel ku dhaw gurigiisa oo ku yaallo degmada Dharkenleey, sida ay dad goob-joog ah u sheegeen warbaahinta.

Kooxaha dilka geystay ayaa la sheegayaa inay isaga baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen, waxaana halkaasi markii dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo howlgal baaritaano ah ka fulliyay.

Dhinaca kale, maamulka degmada Dharkenleey iyo laamaha amniga weli kama aysan hadlin dilka loo geystay sarkaalkaasi ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Dilka sarkaalkaan ayaa waxaa sheegtay Al-shabaab, wuxuuna dilkaan kusoo beegmaya xilli dhawaan degmadaasi Dharkenleey lagu dilay askari ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.