XOG:- Taliyihii Nabad Sugidda iyo Sirdoonka NISA ee garoonka Aadan Cadde oo xilka laga qaaday

Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Khadar Maxamuud (Khadar Sanka) ayaa la sheegayaa in xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib amar kasoo baxay taliska hay’adda nabad sugidda NISA.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in xilka ka qaadista lagu sameeyay Khadar Sanka ay la xiriirto inuu awood dhinaca socdaalka ah u adeegsan jiray siyaasiintii mucaaradka ee kasoo horjeeday aragtidda madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo.

Illaa iyo haatan lama oga in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu go’aankan wax ka ogyahay iyo inkale, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub uu qorsheynayo inuu shaqada ka fariisiyo xubno badan oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA islamarkaana ku aragti ahaa madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Dhinaca kale, madaxweyane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa mucaaradka sida weyn uga soo horjeeday aragtida madaxweynihii xilkiisa dhamaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana hadda kahor ishor-taag lagu sameeyay xilli Asaga iyo Sheekh Shariif ay ka dhoofi rabeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, hadii madaxweyne Xasan Sheekh uu arrinkaan wax ka ogyahay, waxay noqonaysa tallaabadii ugu horeeysay uu kaga aar-gudanayo xubnaha sida weyn ugu dhawaa madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Maxamed C/laahi Farmaajo.