Ra’iisul wasaare Rooble oo fariin u kala diray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo

R’a’iisul wasaaraha KMG ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoomiyay shirka golaha wasiiradda ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-ka bishaan lagu doortay Teendhada Afisyooni ee magaaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in haatan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay muujiyaan taageero islamarkaana ay la shaqeeyaan madaxda dalka, si looga hortago waxyaabaha lidka ku ah midnimada iyo amniga dalka..

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa u mahad-celiyay madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, isagoona sheegay in wada-shaqeyn fiican ay labadooda dhexmartay balse aanay jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeyay.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in haatan laga soo gudbay marxaladdii kala gurka ahayd ee doorashada oo xilligaasi lagu kala aragti duwanaa, balse haatan ay tahay mid dhinac kasta looga mideysan yahay.