Faah-faahin:- Dab aad u xoogan oo saqdii dhexe xalay ka kacay Isgoyska Banaadir ee Muqdisho

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa dab aad u xoogan oo saqdii dhexe xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana dabkaasi uu geystay khasaaro hantiyadeed oo aad u badan.

Dabkaasi oo haatan lagu guuleystay in la damiyo ayaa markii hore ka bilawday koronto ku jirtay goob makiinad saliid, kadibna kusii faafay goobo ganacsi badan oo ku yaalla Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu dabka ka kacay ayaa waxaa markii dambe soo gaaray ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-dega ah iyo waaxda dab damiska maamulka gobolka Banaadir, oo ugu dambeyn ku guuleystay inay dabka damiyaan.

Dhinaca kale, muuqaalo laga soo qaaday goobaha ganacsi ee gubtay ayaa muujinaya baaxada uu lahaa dabkaas, waxaana qaar ka mid ah ganacsatadii goobaha ganacsiga ku laheyd halkaasi ay sheegeen in dhamaan hantidoodii uu dabka baabi’iyay, islamarkaana aan lagu guuleysan in waqti kooban dabka lagu damiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Illaa iyo haatan ma jirto faah-faahin uu maamulka gobolka Banaadir kaga hadlayo khasaaraha hantiyadeed ee uu geystay dabkaasi, iyadoona dhow jeer hore uu dąb ceynkaan oo kale ah ay ka kaceen suuqyadda waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.