Dowladda Soomaaliya iyo IMF oo ugu dambeyn gaaray heshiis muhiim ah

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn gaaray heshiis muhiim ah oo ku saabsan geeddi socodka deyn cafinta iyo dib u eegista wajiyada 2-aad iyo 3-aad barnaamijka ECF ee dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo dib-u-eegista wajiyada 2aad iyo 3aad barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda IMF ay gaareen heshiis muhiim u ah geeddi socodka deyn-cafinta iyo dib-u-eegista wajiyada 2aad iyo 3aad barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Sidoo kale, wasiir Beyle ayaa sheegay in hay’adda IMF ay ballan-qaaday inay si dhaw ula shaqeyn doonto hay’addaha maaliyadda dalka Soomaaliya iyo dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo kahor ka qeyb galayay shir dhex-maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IMF ayaa sheegay in DF ay ka go’an tahay inay sii waddo dadaalada lagu xaqiijinayo dib-u–habeynta hannaanka maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.