Siyaasi C/laahi Sheekh Xasan oo dhaawac culus kasoo gaaray qarax maanta lala beegsaday

Qarax aad u xoogan ayaa duhurnimadii maanta lala eegtay siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah u taageeri jiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Qaraxaasi oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa siyaasi C/laahi Sheekh Xasan lagula beegsaday meel u dhaw masjid ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu salaadii Jimcaha kusoo dukaday.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya, oo halkaasi howlgal ka billaabay.

Dhaawaca siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan ayaa la sheegayaa inuu aad u culus yahay, waxaana si deg deg ah loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha kale ee uu qaraxaasi geystay, iyadoona laamaha amniga ee dowladda aysan weli ka hadlin qaraxa lala beegsaday siyaasi C/laahi Sheekh Maxamed.