Rag rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo gacanta lagu dhigay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidanka booliska maamulka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah rag la sheegay inay ka dambeeyeen dhacdadii shalay lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay duuleedka magaalada Gaalkacyo.

Labo qof ayaa la xaqiijiyay inay weerarkaasi ku geeriyootay, halka qof kalena uu ku dhaawacmay, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarkaas.

Dhinaca kale, Taliyaha qeybta ciidanka booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan gacanta lagu haayo qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay dhacdadaasi islamarkaana ay ku daba jiraan kuwo kale oo baxsaday, lana soo qaban doonno.

Taliye Cali Muuse ayaa sheegay in ragga gacanta lagu haayo la marsiin doonno sharciga, wuxuuna tacsi u diray eheleda labo ruux oo falkaasi ku geeriyootay, isagoona dhinaca kale caafimaad u rajeeyay qofka kale ee dhaawacmay.

Ugu dambeyn, Taliye Cali Muuse Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka ku magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isagoona tilmaamay inay adkeyn doonaan amniga guud ee magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka.