Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay isbadalka aan caadiga ahayn ee ka dhacay dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee ka hirgalay dalka, isagoo xusay in muddo la sugaayay doorashooyinka guud ee ka dhacay dalka.

Axmed Maboobe ayaa u mahad celiyay madaxweynahii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo 5tii sano lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay islamarkana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u mahad-celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay, sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay..

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu isbadel fiican dalka ka hirgiliyo, isagoona Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladda cusub, islamarkaana ay kala shaqeeyaan amniga iyo horumarka, si shaqooyinka horyaala ay u fulliso.