Dadaalo lagu raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo Muqdisho ka socdo

Waxaa saacadihii ugu dambeeysay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya laga dareemayaa dadaalo lagu raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoona madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu weli wado kulamo iyo latashi uu la yeelanayo siyaasiyiin kala duwan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii doortay Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana hormuudka u ahaa ololihiisa doorasho, ayaa la yimid dhowr qof oo ay u arkaan inay yihiin kuwo u qalma xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid aan weli go’aan ka gaarin arrinkaasi iyo cidda uu u xullan doonno xilka ra’iisul wasaaraha, waxaana xilkaasi sanadkaan dadaal weyn ugu kala jira maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in 23-ka bishaan uu xilka kala wareego madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, isagoona kadib muddo 30 maalmood guhahood ah laga sugayo inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad.