Dhalinyaro weeraro ka fullin rabay Somaliland iyo dowlad deegaanka oo la xukumay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xarig ah ku riday seddax dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay weeraro ka fullin rabeen deegaanada Somaliland iyo dowlad deegaanka soomaalida.

Dhalinyaradaan xukunka lagu riday oo lagu kala magacaabo Usaama C/nuur Saciid, C/samad C/laahi Maxamed iyo Sakariye Axmed C/laahi ayaa asal ahaan kasoo kala jeeda magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee Somaliland, waxayna xeer illaalinta ciidamada soo bandhigtay caddeymo ku aadan in dhalinyaradaan ay ka tirsan yihiin uruka Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in mas’uuliyiin Al-shabaab ugu magacaaban gobalada waqooyi ay dhalinyaradaan ka dhaa-dhiciyeen inay u safraan koonfurta Soomaaliya, iyagoo kadib safar ahaan kusoo maray magaalooyinka Burco, Garoowe iyo Muqdisho.

Dhalinyaradaan ayaa markii ay gaareen magaalada Jilib ee gobolka J/dhexe, waxay maalmo kadib uga sii gudbeen degmada Bu’aale, halkaasi oo ay tababar 90 maalmood ah kusoo qaateen isticmaalka qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

Raggaan dhalinyarada ah oo haatan lagu wareejiyay hoggaanka baarista hay’adda NISA ayaa la siiyay fursad ay racfaan ku dalban karaan.