SAWIRO:- Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay sarkaal dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 14-aad ee guutada 14 October ay gacanta kusoo dhigeen sarkaal dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ninkaan usoo bandhigay saxaafadda ayaa sheegay in ciidanku ay qabteen sarkaalkaan Shabaabka ah oo lagu magacaabo Aweys Mayow Eelaay, kaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa madaxii Al-shabaab ee qaraxyada ugu qaabilsanaa magaalada Marka.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Aweys Mayow la qabtay xilli uu ku howlanaa aasitaanka miino, waxaana markii la qabtay kadib baaritaan lagu sameeyay hoygiisa oo kadibne laga hela qaraxyo isugu jira Bam gacmeedyo iyo miinooyin.

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in haatan su’aalo la weydiinayo sarkaalka Shabaab ee lasoo qabtay islamarkaana la maxkamadeyn doonno.