Ciidamada ATMIS oo dad badan kusoo qab-qabtay howlgal ay ka sameeyeen gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada midowga Afrika ee ATMIS ay saacadihii ugu dambeyay tiro dad ah ku xir-xireen deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi Sh/dhexe.

Ciidamada ATMIS ayaa la sheegayaa in ku dhawaad 10 qof ay ka qab-qabteen deegaanka Qura-Faarax oo hoostaga degmada Mahadaay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay la shaqeeynayeen ururka Al-shabaab

Dadka la qabtay ayaa la sheegayaa in loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu wareejiyay ciidamada ammaanka, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn waxa dadkaasi laga damacsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ay ciidamada ATMIS ka fullinayaan deegaanada gobolka Sh/dhexe ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadyadii ugu dambeysay ay dagaalyahanada Al-shabaab weeraro kala duwan ka geysnayeen deegaanada ku yaalla gobolkaas.