Qaban-qaabadii ugu dambeysay oo haatan ka socoto xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya

Waxaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay uu xilka iska wareejinayo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana ku wareejinayo madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa munaasabada xil wareejinta oo dhici doonta maalinta berri oo Isniin ah ka qeyb geli doonna labada madaxwyene ee xilka isku wareejinaya, guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, taliyeyaasha, xildhibaannada, golaha wasiirada iyo marti sharaf kale oo goobta lagu casuumay.

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada C/rashiid Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in munaasabadda xil wareejinta ay ka wada shaqeyn doonaan guddi isku dhaf ah oo ka kala socda madaxweynaha xilka kasii dagaya Mxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud..

Wuxuu afhayeenka sheegay inay sidoo kale jiri doonto munaasabad weyn oo lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qeyb geli doonaan wufuud iyo marti sharaf kale.

Si kastaba ha ahaatee, maalinta berri oo Isniin ah ayaa filayaa in xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu qabto munaasabad aad u ballaaran uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.