Dil ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo iyo dhalinyaro badan oo falkaasi loo xiray

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Puntland ayaa sheegaya in barqanimadii maanta halkaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi Sakariye Saciid Salaad.

Koox la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolad ayaa toogasho ku dilay Marxuum Sakariye Saciid Salaad, oo ahaa madaxii waaxda barakacayaasha dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la dilay, xili uu ku sugnaa meel ku dhaw xero ay dad barakacayaal ah degan yihiin.

Kooxaha dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo iyo eheleda marxuumka la dilay oo goobtaasi ka qaaday meydka.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Sakariye Saciid oo ahaa madaxii waaxda barakacayaasha dowladda hoose ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa falka dilka ah kadib howgalo ay sameeyeen ku xir-xireen koox dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo inay falkaasi ku lug leeyihiin, waxaana haatan su’aalo lagu weydiinayaa saldhiga waqooyiga Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa muddooyinkii u dambeysay ahaa mid kasoo reenayay, waxaana magaaladaasi ku yaraaday dilalka qorsheysnaa oo ay kooxaha hubeysan halkaasi ka fullin jireen.