Diyaarad ay la socotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya oo laga celiyay magaalada Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in magaalada Boosaaso ay ka celiyeen diyaarad ay la socotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar islamarkaana siday deeq gar-gaar ah oo loogu talo-galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo dhawaan tagtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa gaarsiiyay deeq gar-gaar ah oo loogu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada Puntland.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in hawada laga celiyo diyaaradda, waxaana arrintani ay u muuqataa mid muujinaysa xiriir aan wanaagsanyn oo ka dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.