Banaanbax aad u ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Banaaanbax aad u ballaaran islamarkaana lagu taageerayo booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan ugu tagay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ciidan loo geeyay dalka Eritrea ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Banaanbaxaasi oo ay dhigeen qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaradaasi ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu madaxweynaha ku booqday xerada ay ku sugan yihiin caruurtooda, kuwaas oo muddo labo sano ah la weysanaa.

Sidoo kale, waalidiintaasi ayaa sheegay in dowladdii hore uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ay cabashadooda wax ka qaban weysay, balse ay rajo ka muujiyeen inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caruurtooda dib ugu soo celiyo.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa dood badan ka taagneed maqnaanshiyaha iyo bad-qabka dhalinyaradaasi tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo warar suuqa la geliyay lagu sheegay inay ka qeyb qaateen dagaalkii u dhaxeeyay jabhadda Tigreega iyo dowladda dalka Itoobiya.