SAWIRO:- Madaxweyne Xasan oo booqday ciidanka Soomaaliya ee tababarka u joogay Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo afar maalmood ah booqasho ku jooga dalka Eritrea ayaa booqday ciidamada Soomaaliya ee dalkaas tababarka u joogay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu weheliyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa salaan ka qaatay kumaan ciidamo Soomaali ah oo muddooyinkii ugu dambeysay tababar u joogay dalkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii uu xilka ku wareejinayay madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ciidamadaasi tiradooda ay gaarayso illaa shan kun oo askari.

Ciidanka Soomaalida ee tababarka ugu jooga dalka Eritrea ayaa waxaa ka taagnaa muran hareeyey bad-qabkooda, iyadoo ay jireen warar suuqa la geliyey oo sheegayey inay ka qayb qaateen dagaalkii Tigreega.

Si kastaba ha ahaatee, illaa iyo haatan lama oga waxa xigi doonna ka dib booqashada madaxweynaha iyo goorta ay ciidamadaasi dib ugu soo laaban doonaan dalka Soomaaliya.