Faah-faahin:- Askari ka tirsan ciidanka booliska oo xaafadda Gubta ku toogtay taliye ciidan

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta xaafadda Gubta, gaar ahaan waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku dilay taliyihii ciidanka booliska ee waaxdaasi, halka askari kalena uu dhaawac u geystay.

Askariga dilka geystay iyo sarkaalka la dilay ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex galay khilaaf kooban oo markii dambe keenay in askariga caroodo, islamarkaana uu rasaas ku furo taliyihiisa iyo askari kale oo la joogay.

Taliyiha la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Calas ayaa sida la sheegay u geeriyooday rasaas ay ka haleeshay jirkiisa qeybta kore, waxaana sidoo kale rasaastaasi ku dhaawacmay askari kale oo isna katirsanaa ciidanka booliska.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegayaa inuu isku dayey inuu baxsado balse ay gacanta ku dhigeen laamaha ammaanka ee degmada Dayniile.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee degmada Dayniile, kaas oo ay uga hadlayaan dilkaas ka dhacay waaxda Barwaaqo ee degmadaasi.