Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhoofay dalka Eritrea

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka amba-baxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkiisa dalka Eritrea qaadan doona muddo afar maalin ah, waxaana uu uljeedkiisa yahay mid la xiriira arrimaha ciidamadii tababarka loogu qaaday dalkaas muddo labo sano ka hor, kuwaas oo warkooda la weysanaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Asmara kullan kula qaadan doonno dhiggiisa dalkaasi Eritrea Isaias Afwerki, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ahaa musharaxiinta mucaaradka ku ahayd dowladii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa su’aalo badan ka keenay halka ay ku dambeeyeen ciidankaas Soomaaliyeed iyo sidii aysan shacabka iyo waalidiinta dhalay dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas.

Si kastaba ha ahaatee, xubno ka tirsan mucaaradkii dowladdii madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hore u sheegay in ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ay dowladda Itoobiya ku qaaday gobolka Tigreega.