Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalada ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Baay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab ee dowladda federaalka Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo milateri ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanayo fariisimaha Al-shabaab iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska Danab.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgallada oo isugu jira sifeyn iyo burburin ay ka socdaan deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco, kuwaas oo ku dhow degmada Buurhakaba, iyadoona degmadaasi ay haatan weli ku sugan yihiin ciidamo taabacsan C/casiis Laftagareen.

Taliska Danab ayaa sheegay in howlgallada socda ay diiradda saarayaan xoojinta amniga iyo wiiqidda awoodda dhaqdhaqaaq ee kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada, isagoo intaas ku daray in cadaadiska ciidamada uu sababay in xubno ka tirsan kooxahaasi ay ka baxaan goobihii ay hore ugu dhuumaaleysan jireen.

Taliska ayaa intaas ku daray in ciidamada Kumaandooska Danab ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ilaalinayo shacabka, laguna doonayo in lagu soo afjaro khatarta argagixisada iyo falalka amni-darrada ah ee ka dhaca deegaannada ay kooxuhu ku sugan yihiin.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday agagaarka degmada Buurhakaba, iyadoo la sheegay in halkaas la geeyay ciidamo tiro badan, taas oo uljeedka lagu sheegay in ciidamada taabacsan C/casiis Laftagareen looga saaro gudaha degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada taabacsan C/casiis Laftagareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya dowladda federaalka Soomaaliya.