Faah-faahin:- Qarax ismiidaamin oo lala eegtay Maxamed Ibraahim Macalimuu

Qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa la sheegayaa inuu isku qarxiyay gaari uu watay afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo marayay agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana dhaawaca Maxamed Ibrahim Macalimuu loola cararay isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Qaar ka mid ah howl-wadeenada Isbitaalka Digfeer oo aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xaaladda Maxamed Ibraahim Macalimuu ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu yahay mid miyirkiisa jooga.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan xiran, waxaana weli goobtaasi ku sugan ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo qarax ceynkaan oo kale lala eegto Maxamed Ibraahim Macalimuu, wuxuuna dhowr jeer hore uu ka bad-baaday qaraxyo iyo weeraro ay Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.