Maamulka Hirshabeelle oo amar culus dul-dhigay magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne

Qoraal kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ayaa lagu mamnuucay in hubka noocyadiisa kala duwan laga soo dejiyo garoomada diyaaradaha ee ku kala yaalla magaalooyinka B/weyne iyo Jowhar.

Qoraalkaasi oo kasoo baxay wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 15-ka bishaan Janaayo aan wax hub ah laga soo dejin karin garoomada diyaaradaha ee ku kala yaalla magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne, si loo dardar-geliyo doorasho hufan oo ku dhisan heshiis.

Wasaaradda amniga ee Hirshabeelle ayaa caddeeysay in lala xisaabtami doonno cid kasta oo isku dayda inay u hoggaansami weydo amarka wasaaradda kasoo baxay, islamarkaana waxaa taliyeyaasha labada garoon la faray inay si hufan u gutaan shaqadooda.

Dhinaca kale, maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay inay ka go’an tahay xasiloonida deegaannada iyo illaalinta bad-qabka dadka kunool deegaanadooda, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii ay ku dhici laheyd doorasho hufan oo heshiis ku dhisan.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya xilli saqdii dhexe ee xalay guddiga doorashada Hirshabeelle ay shaaciyeen liiska 11-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso Qoraalka wasaaradda Amniga Hirshabeelle