Faah-faahin:- Qarax maanta ka dhacay Muqdisho iyo cidda lala beegsaday

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay nin qurbo joog ahaa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ninkaasi lagu dilay qaraxa ayaa lagu magacaabi jiray Xaashi Xasan Cumar, waxaana lala beegsaday qarax noociisu ahaa miino, kaas oo lagu xiray gaariga uu watay marxuumka, waxaana la qarxiyey xili uu marayey xaafad ka tirsan Dharkeenley, isagoona la sheegay in markii hore uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaas uu Isbitaalka ugu geeriyooday.

Allaha u naxariisto Xaashi Xasan Cumar ayaa muddo 19-sanno ka badan u xirnaa dowladda Talyaaniga oo ku eedeesay inuu ku lug lahaa dil sanadkii 1994-tii Muqdisho loogu geestay gabar wariye ah oo u dhalatay Talyaaniga iyo sawir qaadaheedii.

Dowladda Talyaaniga ayaa markii dambe marxuumka maanta la dilay ku weesay dambigii ay u xirtay sanadaha badan, waxaana maxkamad kutaalla dalkaasi Talyaaniga ay u xukuntay in la siiyo lacag magdhaw ah.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee dolwadda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee maanta ka dhacay Muqdisho, isla markaana lagu dilay ninkaasi qurbo joogta ahaa oo lagu magacaabi jiray Xaashi Xasan Cumar .