Madaxweyne Xasan Sheekh oo kullan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Turkiga kullan kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyagoona kawada hadlay arrimo muhiim ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay taageerada walaalnimo oo u muujisay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, xilli ay la daala-dhacayeen xaalad adag, iyagoo usoo gurmaday waqtigii ay ugu baahida badnaayeen.

“Waxaan uga mahad-celinyaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan casuumaaddii uu ii fidiyey, kulankii aan wada qaadannay waxa uu ahaa mid miro-dhal ah, kaas oo aan diiradda ku saarnay xoojinta xiriirka iskaashi iyo danaha labada dal. Waxaan si gaar ah isu dul taagnay kaalinta Turkiga ee gurmadka abaaraha, horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee caafimaadka iyo waxbarashada.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda Turkiga ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta amniga, tababarridda, tayeynta ciidanka Soomaaliyeed iyo la dagaalanka argagixisada.

“Kulankii aan wada qaadannay aniga iyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan isla garanay in la xoojiyo xiriirka iskaashi ee labada dal iyo wax wada-qabsi, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo dhaqanka, Soomaaliya waxa ay Turkiga u aragta jaal iyo saaxib miisaan leh oo ay kalsooni ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isna dhankiisa uga mahad-celiyey madaxweynaha iyo wafdigiisa aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladdiisa ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, xoojinta heshiisyada ganacsiga iyo maalgashiga ka dhaxeeya labada.