Golaha wakiilada Puntland oo markale diiday inay ansixiyaan golaha maxkamadda sare

Kullan ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa waxay markale ku diideen inay ansixiyaan golaha maxkamadda sare ee Puntland uu dhawaan dib u soo magacaabay madaxweyne Deni.

Kullankaasi uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa waxaa soo xaadirtay illaa 40 xildhibaan oo ka tirsan golaha.

30 ka mid ah golaha wakiilada ayaa diiday dib u soo celinta mas’uuliyiinta maxkamadda sare uu dib usoo magacaabay madaxweyne Deni, 3 xubnood ayaa sidoo kale ka horyimid, halka 7 kale ay ka aamuseen.

Golaha wakiilada Puntland ayaa sharci darro ku tilmaamay in madaxweyne Deni uu dib usoo celiyo isla xubnihii ay horey u diideen, waxayna arrintaan usoo saareen guddi kasoo baaran daga khilaafka ka dhashay diidmada xubnahaan iyo dib usoo celintooda.

Waa markii labaad oo ay kalsoonida waayaan golaha maxkamadda sare uu dib usoo magacaabay madaxweyne Deni, waxayna baarlamaanku ugu baaqeen madaxweynaha inuu soo magacaabo xubno aysan ku jirin kuwa haatan codka ansixinta waayay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa haatan ku maqan safarka dalka dibaddiisa ah, iyadoona illaa iyo haatan aan la ogeyn tallaabada xigta uu madaxweynuhu qaadi doono, maadaana markii labaad lagu soo celiyey xubnaha maxkamadda sare uu soo magacaabay.