Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta cafis u fidiyay maxaabiis kała duwan

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu cafis ugu fidiyay boqolaal maxaabiis ah oo ku xukuman dambiyada fudud, kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsiyada ku yaalla Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay illaa 546 maxbuus, waxaana cafiskooda uu sabab uga dhigay munaasabadda ciiddul Adxa awgeed oo maalmo kooban ka harsan.

Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi ayaa u qornayd sida hoos ku xusan:-

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xirnaa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay:  Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud  ee summaddeedu tahay XIG/SL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xirnaa, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.