Alle ha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday fannaankii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal, kaddib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla magaaladaas.
Axmed Cali Cigaal wuxuu muddo ka badan 50 sano ka mid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee fanka iyo masraxa Soomaaliyeed, isagoo kaalin muuqata ku lahaa kobcinta heesaha, jilitaanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Marxuum Axmed Cali Cigaal ayaa fanka ku biiray sannadkii 1967, waxaana uu noqday fannaan, jilaa, muusikiiste iyo laxamiiste si weyn looga yaqaanay guud ahaan Soomaaliya iyo meelaha ay ku nool yihiin Soomaalidu.
Wuxuu ka tirsanaa hobolladii caanka ahaa ee Waaberi, isaga oo door muhiim ah ka qaatay horumarinta fanka casriga ah iyo tayeynta bandhigyada masraxa Soomaaliyeed.
Shaqadiisa faneed ayaa ka mid ahayd waxyaabihii saldhigga u noqday koboca fanka Soomaaliyeed ee casriga ah.
Axmed Cali Cigaal ayaa ka tagay dhaxal faneed ballaaran oo ay ku jiraan heeso, riwaayado iyo hal-abuurro weli qeyb ka ah taariikhda iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay bahda fanka iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo xusuusan doona kaalintii uu ku lahaa ilaalinta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed.