Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta kullan culus la yeeshay ururrada bulshada rayidka

Golaha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kullan culus la yeeshay wakiillo ka socda bulshada rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed.

Madaxda Golaha Wadatashiga iyo Bulshada Rayidka ah ayaa waxaa ay ka wada hadleen dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay tallooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Isniinta ka furmay Teendhada Afiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Arbaco ah galay maalintii saddexaad oo xiriir ah, waxaana looga hadlayaa doorashada dalka iyo dardar-gelinteeda.

Madaxda ayaa si gaar ah diirada u saaraya hufnaanta doorashada, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada iyo jaan-goynta xilliga la soo gaba-gabeynayo doorashada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sii amba qaadi doonna, doodo kala duwan oo ay ka yeelanayaan ajendayaasha horyaalla Shirkooda oo ay ugu weyn yihiin Arrimaha amniga dalka iyo jaan-goynta xilliga lasoo gaba-gabeynayo doorashada golaha shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii shalay ayay ahayd markii madaxda golaha wadatashiga ay kulamo la yeesheen wakiilada beesha caalamka iyo midowga musharaxiinta, iyagoona kala hadlay dar-dargelinta howlaha doorashooyinka, sidoo kalena ka dhageystay tallooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada dalka.