Ciidanka Puntland oo xabsiga dhigay dad lagu eedeeyey barakicinta shacabka Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka booliska gobolkaasi ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah darawalada kaxeeya gaadiidka takaasida ah ee ka shaqeeya magaaladaas iyo deegaanada hoostaga.

Darawalada la xirxiray ayaa la sheegayaa in lagu eedeeyay inay warar been abuur ah faafinayeen, si markale looga barakaco magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay maalmihii ugu dambeysay dib ugu soo laabanayaan qoysas horey uga barakacay.

Saddex nin oo darawalo ahaa islamarkaana la sheegay inay hoggaaminayeen falalkaasi been abuurka ah ee lagu khal-khal geliyay shacabka Boosaaso ayaa la sheegay in xabsiga la dhigay, iyagoona la tilmaamay inay doonayeen inay lacag kaga helaan barakicinta shacabka Boosaaso.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/sare C/qaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku raad-joogaan rag kale oo la sheegay inay falkaasi ku lug-leeyihiin, isagoona dhinaca kale digniin u diray dadka ku hawlan wararka been-abuurka ah ee lagu qalqal gelinayo shacabka magaalada Boosaaso.

“Waxaan u digayaa dadka takaasleyda ah ee barakicinaya shacabka Boosaaso, si ay lacag u helaan, waxaan leeyahay howlaha aad ku jirtaan ka waan-tooba, dhammaan ciidamadana waxaan faraynaa inay sugaan ammaanka magaalada” Sidaas waxaa yiri G/sare C/qaadir Jaamac Dirir.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari uu ka dhacay dagaalo u dhexeeyay ciidanka maamulka Puntland iyo kuwa PSF, kaas oo sida la sheegay ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyadeed iyo barakac ay sameeyeen qoysaskii deganaa magaaladaas.