Madaxweyne Farmaajo oo khudbad xasaasi ah u jeediyay shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlayay marxaladda siyaasadeed ee uu haatan dalki marayo iyo arrimaha taagan ee doorashooyinka.

Khudbadda madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd mid uu inteeda badan kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo ciidanka xoogga dalka, isagoona ciidanka ku bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ay u difaacayaan dalka.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida, waxay horseedeen in maanta ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen ciidamada AMISOM amniga guud ee dalka.” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka war-bixiyay hannaanka siyaasadda arrimaha dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka caalamka, illaalinta sharafka iyo madax-bannaanida dalkeenna, taas oo horseedday inaan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Farmaajo ayaa ka hadlay shirkii dhawaan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda wadatashiga Qaran, kaasi oo ugu dambeyn war-murtiyeed laga soo saaray, isagoona ku baaqay dar-dar gelinta qabsoomidda doorashada dalka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.