Qaramada Midoobay oo qoraal kasoo saartay heshiiskii golaha wadatashiga qaran

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii arrimaha doorashooyinka oo ay golaha wadatashiga Qaran maalintii shalay ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhaweynayaan in golaha wadatashiga Qaran ay isku afgartaan habraaca doorashada iyo dardar-gelinta qaabkii ay u dhici lahayd doorashada golaha shacabka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fullinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-gelinaysa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf.

“QM waxa ay dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Xafiiska QM ee Soomaaliya.