Guddoomiyaha degmada Afgooye Abuukar Maxamed Cumar oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeysay guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Abuukar Maxamed Cumar Muudeey.

Wareegto maalintii shalay kasoo baxday xafiiska wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqada looga joojiyay guddoomiyihii degmada Afgooye Abuukar Cumar Muudeey, kaas oo lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed, amar diido iyo iska horkeen maamulka dhexdiisa ah.

Guddoomiye Abuukar Maxamed Cumar Muudeey ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu sameeyay magacaabis sharci darro ah, islamarkaana uu waday howlo uu iskaga horkeenayo maamulka degmada dhexdiisa, taasina ay keentay in shaqada laga joojiyo.