Faah-faahin:- Gaari ciidan oo maanta jiiray mooto bajaaj ay saarnaayeen gabdho aroos u socday

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa shil khasaaro geystay oo maanta ka dhacay laamiga degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan dhista Sii-Sii ee ku dhaw aargada degmadaas.

Shilka ayaa yimid kadib markii gaari Cabdi Bille ah uu watay taliyaha amniga degmada Dayniile Gaal Geylac uu jiiray Mooto Bajaaj oo ay saarnaayeen haween aroos u socday, waxaana halkaasi ku geeriyootay gabar lagu magacaabi jiray Hani C/risaaq Yuusuf, halka ay dhaawacyo soo gaareen gabar kale oo lagu magacaabo Fardowso Weydoow iyo sidoo kale darawalkii Mootadaasi Bajaajta.

Gaariga falkaan geystay oo ay saarnaayeen ciidamada ayaa goobta iskaga sii socday, iyadoona markii dambe ay goobtaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya iyo dadweyne badan oo halkaasi ka qaaday meydka gabadhii geeriyootay iyo dhaawaca gabadhii kale iyo sidoo kale darawalkii Mootada.

Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada Dayniile oo ay shilkaan kaga hadlayaan, waxaana qaar kamid ah ehelada dadka shilkaasi ku waxyeeloobay ay dalbadeen inay dadkooda cadaalad u helaan.