C/raxmaan C/shakuur oo markii ugu horeysay ka hadlay sharci ahaanta xildhibaanimadiisa

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay inuu sharci ahaan ku weynayo xubinimada xildhibaanimada baarlamaanka Soomaaliya iyo inkale kadib xilkii uu dhawaan u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo wareeysi siiyay BBC-da laanteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in xilka uu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay uusan wax saameyn ah ku yeelanaynin xubinimadiisa baarlamaanka Soomaaliya, maadaama aan loo magacaabin xil hay’adeed oo uu xilka kala wareegay.

“Xil aan qabtay ayaanba jirin, waxaan Xil u aqaannaa qofka marka loo magacaabo hay’ad uu u shaqo tago, aniga waxa la ii magacaabay waa xil aan tabarucaad ugu sameeynayo shacabka Soomaaliyeed, xildhibaanka muhiimaddiisa oo dhan waa inuu dadka u shaqeeyo, wax kale maba ahaba, ama inuu ugu shaqeeyo inuu sharci dejiyo ama xukuumadda uu dabagalo ama dadka inuu u adeego”. Sidaas waxaa yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Dhinaca kale, xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa tusaale ahaan usoo qaatay hadii la magacaabo taliye nabad-sugid ah oo hore xildhibaan u ahaa, inuu weynayaa xubinamada baarlamaanka maadaama uu subax waliba usoo shaqo tagayo hay’ad uu ka tirsan yahay, balse asaga xilka loo magacaabay uusan wax hay’ad ah ka tirsanayn.

“Tusaale ahaan taliye nabad-sugid oo hadda waxaa la magacaabay xildhibaan ah, wuxuu xilkeeda la wareegay hay’ad uu subixii u shaqo tagi lahaa, balse aniga cidda aan xilka kala wareegay yaa waaye? Hay’adda aan u shaqo tagay waa tee? Intee ayay ka diiwaangashan tahay? Yaa shaqaale ka ah? Ma jirto!” Ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan C/raxmaan C/sharkuur Warsame ayaa sheegay in shaqada uu haatan hayo ay tahay mid uusan mushaar ku qaadan oo uu ku tabarucay, isagoona tilmaamay inuu aaminsan yahay in howshaas ay qeyb ka tahay waajibaadkiisa xildhibaanimo.

Si kastaba ha ahaatee, 24-kii bishii hore ee MAY ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay xildhibaan C/raxmaan C/shakuur inuu noqdo Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha dalka iyo inuu ka warqabo xaaladda dadka dhibaataysan oo ay abaaruhu dilleysteen.