Duqeyn ka dhacday gobolka J/hoose oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Illaa 5 ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegayaa in lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka geysteen meel u dhaw deegaanka Beerxaani oo ku yaalla duuleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in illaa 5 ka mid ah Al-shabaab lagu dilay weerar ay ciidamada Mareykanka ku qaadeen meel ku dhaw deegaanka Beerxaani oo ka tirsan gobolka J/hoose.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi aysan dad shacab ah waxba kasoo gaarin, waxayna ciidanka Mareykanka weerarkaasi u adeegsadeen diyaaradaha nooca Drones-ka ah.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celiyay Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan la dagaalanka kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.