La taliyaha amniga Qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay warar laga faafiyay

Xuseen Macalin Maxamed oo ah La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u beeniyay warar saacadihii ugu dambeysay baraha bulshada la isla dhex-maraayay ee ahaa inuu safar qarsoodi ah ku tagay dalka Jabuuti.

Warkaasi lagu faafiyay baraha ay bulshada ku xiriirto ayaa ahaa in La taliyaha uu safar qarsoodi ah ku tagay dalka Jabuuti, kadibne uu halkaasi kullan kula soo qaatay saraakiil sare oo ka tirsan jabhada TPLF ee ka dagaalanta gudaha dalka Itoobiya.

Qoraal kooban oo uu La taliyaha soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay in warkaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah, islamarkaana ay yihiin kuwa isaga lagu been abuuranayo.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka, kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya” Sidaasi waxaa bartiisa Twitterka ku yiri Xuseen Macalin oo ah La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, warkaan oo la aaminsan yahay inay faafiyeen taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa hadane jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta dhab ahaantiisa, maadaama aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dowladda Jabuuti iyo TPLF.