Xiisad ka taagan Somaliland iyo ciidamo badan oo lagu daadiyay waddooyinka Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad aad u daran oo u dhaxeeysa xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka, kaas oo salka ku haysa muddo kororsi lagu eedeeyay inuu ku doonayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo WADANI ayaa dhawaan shaaciyay inay magaalada Hargeysa ka dhigi doonaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga ay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ku doonayso.

Waxay sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ku eedeyeen inuu ka dambeeyo qorshaha dib u dhigista doorashada madaxtooyada Somaliland ee loo asteeyay inay ku dhacdo 13-ka bisha November ee sanadkan 2022.

Xukuumadda Somaliland ayaa durba bilawday inay ka hortagto dibadbaxyadaasi ay shaaciyeen labada xisbi ee mucaaradka, waxayna maanta qaaday tallaabo adag.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Somaliland ayaa la sheegayaa in maanta lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa, waxaana maanta ciidamadaasi lagu arkayaa iyagoo taagan islamarkaana sugaya amniga, maadaama laga cabsi qabo inay dibadbaxyadaasi ka dhacaan magaalada.

Dhinaca kale, musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa si kulul u cambaareeyay xarig ay ciidamada Somaliland kula kaceen milkiilaha maqaaxidda SIMA Axmed Sayid Heybe Nuur.

“Waxaa ayaan darro ah in xorriyadiisana laga qaado oo xabsigana loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan shaaha ka cabnay Anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujinayey” Sidaasi waxaa yiri musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro.