Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, C/fitaax Xasan Afrax, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu bulshada ugu baaqay nabad iyo wada-hadal, xilli ay magaalada ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabelle.
C/fitaax Afrax ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne, waxa uuna sheegay in ujeeddada safarkiisu yahay inuu dhageysto aragtida iyo tabashooyinka bulshada deegaanka, islamarkaana uu la kulmo dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan.
Waxa uu bulshada ku boorriyay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal, isaga oo sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan tabashooyinka dadka deegaanka.
Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn dagaal iyo rabshado, maadaama dalku yahay mid ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Ilaa hadda ma cadda sida dhinacyada kasoo horjeeda maamulka Hirshabeelle ay uga jawaabi doonaan baaqa wada-hadal ee hoggaamiye ku-xigeenka iyo inay aqbali doonaan gogosha uu fidiyay.
Si kastaba ha ahaatee, baaqa hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle C/fitaax Xasan Afrax ayaa kusoo beegmaya xilli ay odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Hiiraan ka biyo diideen doorashooyinkii Hirshabeelle ee dhawaan ka dhacay magaalada Jowhar.