Howlgal lagu soo qab-qabtay dhallinyaro badan oo laga sameeyay degmada Dayniile

Howlgal culus oo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhallinyaro la sheegay inay dhibaato weyn ku haayeen shacabka degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Dayniile C/shakuur Abuukar Macalin oo howlgalkaasi horkacayay ayaa sheegay inuu howlgalku yahay mid lagu doonayo in lagu xasiliyo amniga degmadaas, islamarkaana ay kaga hortagayaan dilalka ay kooxaha hubeysan halkaasi ka geystaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dhalinyarada lasoo qabtay ay u badan yihiin kuwo amni darro ka waday degmada iyo sidoo kale kuwa isticmaalayay maandooriyaha.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha degmada Dayniile C/shakuur Abuukar Macalin ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi inay laamaha amniga la shaqeeyaan, islamarkaana ku wargeliyaan wixii liddi ku ah amniga, isagoona dhinaca kale ka codsaday waalidiinta dhalay dhalinyarada falalka amni darro ku jirta inay ka warqabaan caruurtooda.