Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland oo xilkii iska casilay

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland C/rashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah iskaga casilay xilkii iyo xubinimadii guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyiha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in is-casilaadiisa ay ku timid, kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin culeys kaga yimid dhinaca xisbiyadda mucaaradka balse ay is-casilaadiisu sabab u tahay khilaafka guddiga.

“Sidii laga war haayay, waxa is-casilaadaydu sababtay ayaa ahayd, khilaaf guddiga dhexdiisa ka yimid oo runtii muddo dheer soo jiitamayay, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay inaan xilka iska casilo” Sidaasi waxaa yiri guddoomiyihii guddiga doorashada Somaliland C/rashiid Riyo Raac.

Dhinaca kale, C/rashiid Riyo Raac ayaa sheegay inuu hore u gudbiyay qoraal uu xilka iskaga casilay, maadaama buu yiri ay arrinta u muuqato mid aanay sii socon kareynin.

“Sidaad ogeydba, anigaa hore qoraal u sameeyay oo dalbaday inaa xilka iska casilo, maadaama aanay howsha sii socon kareynin, marka sidaas awgeed bay ku timid is-casilaadaydu ee ma jiraan wax kale” Ayuu yiri C/rashiid Riyo Raac.

C/rashiid Riyo Raac ayaa ka mid ahaa xubnihii uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi usoo xulay guddiga doorashooyinka.

Dhinaca kale, muddo labo todobaad kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale uu xilka iskaga casilay Maxamuud Daahir Jaamac oo isna kamid ahaa xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, iscasilaadda guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland C/rashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf baahsan oo u dhaxeeya xisbiyadda mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.