Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo kullan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo maalintii shalay dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa habeenkii xalay kullan gaar ah la yeeshay ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo muddooyinkii ugu dambeysay khilaaf xoogan ka dhaxeeyay ayaa kullankooda ahaa mid ay uga hadlayeen waxyaabihii keenay khilaafkaasi iyo sidii loo xallin lahaa.

Khilaafka madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa sida la sheegay salka ku haayay arrimo la xiriira awooda dhinaca maamulka.

Ugu dambeyntii, labadaasi mas’uul ayaa ka heshiiyay khilaafkoodii, iyagoona kadib iska xog-wareystay xaaladda guud ee deegaanada Puntland iyo dardar-gelinta howlaha muhiimka ee gaabista xoogan ka jira.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay deegaanada Puntland waxaa si weyn looga dareemay khilaafka u dhaxeeyay madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, iyadoona khilaafkoodii uu saameyn ballaaran ku yeeshay howlaha shaqo ee hay’adaha kala duwan.