Wasiirada Somaliland oo maanta ka hadlay sababaha keenay sicir bararka iyo sida looga gudbi karo

Kullan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen golaha wasiirada Somaliland ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha sicir bararka xoogan ee ka jira halkaasi, iyadoona kullankaasi uu shir gudoominayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha uga warbixiyay xaaladda sicir bararka ee taagan, sababaha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaaday oo ay barbar socdaan qorsheyaasha xukuumaddu ay mustaqbalka wax kaga qabanayso.

Waxa uu wasiirka sheegay inay jirto kor ukac ku yimid qiimaha cuntooyinka quutal daruuriga ah iyo shidaalka bulshadu isticmaasho, isagoo xusay in qiime kacaasina uu ka yimid xaalado ka jira dalalka caalamka aawadood.

Wasiirka ayaa mid mid golaha ugu akhriyay kororka ku yimid qiimaha maciishadda iyo daruuriyaadka kale, wuxuuna caddeeyey in bariiska 25 kg qiimihiisu marayo $17, sonkorta 25kg ay marayso $17, daqiiqda 25Kg ay sidoo kale qiimaheedu marayso $17, saliidda cuntada 9 litir ay qiimaheeda marayso $14 halka baastada 10Kg uu qiimahiisu marayo $11.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sharaxay sababaha keenay sicir bararka, isagoona tilmaamay in inta badan sicir bararka Somaliland ka jiraa uu yahay mid dunida kale ka yimid, sababo la xiriira xanuunkii Covid-19 ee dunida ka dhacay iyo dagaalka muddada ka dhex socda dalalka Ruushka iyo Ukrain, iyadoo dalal badan oo caalamka kamid ahina ay joojiyeen cuntooyinkii ay dibadda u dhoofin jireen.

Ugu dambayntii, golaha wasiirada ayaa go’aamiyay in bulshadu ay kordhiso wax soo saarkeeda dhinaca beeraha, in cuntada ay kamidka yihiin bariiska, sonkorta, daqiiqda iyo saliida lasii wado cashuur dhaafka ay xukuumadu u sameysay.