Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), wasiiro, xildhibaano, mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya, xildhibaano iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magaalada Dhuusamareeb kulamo gooni gooni ah kula yeesho madaxweyne Axmed Qoorqoor, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo odayaasha dhaqanka halkaasi, isagoona kala hadli doonna xaaladda guud ee dalka iyo tan maamulkaas.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku tagay magaalada Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah safarada uu madaxweynaha ku tagayo qaar kamid ah gobolada dalka, isagoo u kuurgalaya xaaladaha dhanka nolosha ah ee kajira goobahaas.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo uu kullamo kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinka maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyay madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.