Kooxo burcad ah oo dhac ka geysanaysay xaafad ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshid ayaa maanta gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeysan iyo mootooyin nooca bajaajta ah oo ay wateen.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ee maamulka degmada Yaaqshid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen seddax nin oo burcad ah, oo mid kamid ah la dhaawacay iyo labo mooto bajaaj ah oo ay adeegsanayeen.

Seddaxda nin ee burcadda ah ayaa loo gudbiyay saldhiga xaafadda Daarusalaam ee degmada Yaaqshid, waxayna ciidamada weli baadi-goob ugu jiraan rag kale oo kooxdan la socotay oo baxsaday.

“Dadka degaanka Daarusalaam ayaa nagu soo wargeliyay dhibaatada ay ku hayaan kooxaha burcadda ah, iyagoo falkii dhaca ahaa ku guda-jiray ayaan la kulanay, waana qabanay, waxaana u gudbinay hay’adaha kale ee amniga” Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha laamaha amniga ee degmada Yaaqshiid.

Muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay kooxaha burcada ah ee hubeysan, kuwaas oo dadka shacabka ah ka dhaca mobeylada iyo agabyada kale qaaliga ah oo ay wataan.