Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay waxyaabaha ay xukuumadiisa ka damacsan tahay Somaliland

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maalintii shalay codka kalsoonida ah ka helay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo dhisi doonno xukuumad tayo leh islamarkanaa wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira dalka.

“Sida aan baarlamaanka Soomaaliya kahor sheegay, Xukuumadda aan soo dhisi doonno waxay noqon doontaa mid tayo leh islamarkaana wax ka qabata dhibaatooyinka ka jira dalka, sida abaaraha, amniga, iyo dhameystirka dastuurka qabyadda ee dalka” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto sidii Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo leh u wada hadli lahaayeen.

“Arrinta Somaliland ee waan go’ay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray, waa in mashaakilaadkaas loo taabto si dhab ah, loona wada-hadlo si walaaltinimo iyo ehelnimo leh, mida kale waxaa loo baahan yahay wax alle wixii dowladda federaalka ah la jira, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqaale iyo mid adeegba, waa in la wada yeeshaa oo ay dadka ka wada dhaxeeyaan” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhinac kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in siyaasad ahaan ay labada dhinac ku kala duwanaan karaan balse ay jiraan waxyaabo badan kale oo ka dhaxeeya.

“Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas la wadaagayo in si walaaltinimo oo ehelnimo ah loo wadaago, oo dowladda federaalka ay ka shaqeyso in waxyaabaha u baahan fududeynta kaga xeran walaalaheena Waqooyi in si deg deg ah marwalba loo fududeeyo” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka looga dabaal-degay 26-ka Juun oo ah maalintii gobolada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.