Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta gaaray degmada Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley kusoo dhaweeyay maamulka degmada, odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa dhawaan degmada Dhoobley iyo Buurdhuubo u ansixiyay inay ka mid noqdaan degmooyinka ka tirsan Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kullamo la yeesho mas’uuliyiinta maamulka degmada Dhoobley iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.